Hay’adda Aerospace Cooperation oo sheegtay inuu Gantaalka Shiinaha ku dul burburi doono Hawada dalka Sudan iyadoo maanta uu dul maray hawada Soomaaliya sida uu tabiyey Telefishinka SKYNEWS .
Sida uu Wargeysks NYT ka soo xigtay Hay’addaasi waxa uu Gantaalka soo cargo geystay Shiinaha ee lagu magacaabo Long March 5B uu ku dhici doono dal ku yaalla Bariga Qaaradda Afrika, waa sida uu Wargeysku qoray.
Hay’adda Aerospace Cooperation waxay tilmaamtay inuu Gantaalku ku qarxi doono Hawada Sare ee dalka Sudan.
Maalmihii la soo dhaafay Warka ku Aadan Gantaalkaasi waxa uu figta Sare kaga jiray Wararka Warbaahinada Caalamka, iyadoo hadal-hayntaasi sii korodhay sanadihii la soo dhaafay.
Telefishinka Skynews Arabia ee fadhigiisa Dhexe ku taallo Dubai waxa uu si xiriir ah daqiiqad-ka-daqiiqad u soo tebinayaan hadba halka uu Gantaalku meeraysanayo
Telefishinka waxa uu soo tebiyey inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B uu dul-maray Hawada dalal ay Somalia ka mid tahay.