
23, kii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto ayaa Maamulka Hir-Shabeelle Waxa uu Magaalada Jowhar ku xir xiray tira Odayaal ah oo ka qeyb galayay kulan nabadeed lagu dhex dhexaadinayay Beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xariga Odayaashaan ayaa xiligaas waxaa la sheegay in uu amarkeeda lahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen isla markaana ay xirnaayeen mudo bil ah balse waxaa Caawa la sheegay in Odayashaas ay xurriyadooda heleen.
Garaad Xaaji Xuseen Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradkii ku howlanaa sideynta Odayaashaas ayaa xaqiijiyay siideynta Odayaashaas, waxa uuna sheegay in caafimaadkooda uu yahay mid aad wanaagsan.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view