Home Afsomali Garsoorayaal iyo Dadweyne u doodayaal Cabasho buuxdo ka muujiyey degreetada xilka qaadista...

Garsoorayaal iyo Dadweyne u doodayaal Cabasho buuxdo ka muujiyey degreetada xilka qaadista garsoorayaasha

AFIISKA GEESKA EE ADEEGGA LATALINTA SHARCIGA
HORN LEGAL CONSULTING SERVICES
Tixraac: C-ID/0012/20 Muqdisho,21/06/2020
Ku: Madaxweynaha JFS =Muqdisho=
Guddoomiyaha Golaha Shacabka =Muqdisho=
Guddoomiyaha Aqalka Sare JFS =Muqdisho=
Ra’iisul Wasaaraha JFS =Muqdisho=
Maxkamadda Sare JFS =Muqdisho=
Wasaaradda Shqada iyo Arrimaha Bulsha =Muqdisho=
Wasaaradda Maaliliyadda =Muqdisho=
Og: Guddiga Shaqaale =Muqdisho=
Ujeeddo: Eedeyn 21 Garsoore oo laga qaaday tallaabo aan Dastuurka iyo Sharciga Waafaqsaneyn.
Mudanayaal,

Waxaan ka cabaneynaa annaga oo mataleyna Garsoorayaal Sharci ku magcaaban, in ay si dadban uga warheleen in Garsoorka laga saaray, iyadoo lagu sababeeyay meel ka dhac,
laguna tilmaamay Musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aan oo labaduba aan lagu caddeyn, mana jiro xukun dhaqangalay oo ciqaab ah oo loo cuskaday, maadaama laga gaabiyay muddo 6
sano ah in la dhiso Golihii awoodda Dastuuriga u lahaa, mana jiro cid awood sharci u leh,

tallaabada la qaadayna ma waafaqsana Sharciga, maadaama uusan jirin Gole Adeeg Garsoor oo soo jeediyey.
Waxaan ka dacwooneynaa in uusan ahayn habraac waafaqsan dhawrsanaanta xubnaha Golayaasha Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka oo si wadajir u ah seddexda Awoodood oo
uu waajibkoodu yahay in ay dhawraan “kala qeybinta Awwodaha Qaranka”.Garsoorku wuxuu leeyahay habraac oo uu dhaqaajin karo oo kaliya “Gole Adeeg Garsoor”,oo ka duwan kan ku qeexan Sharciga Shaqaalaha Rayidka, waxaana dhaqaanjintiisa habraaca dabagalka Garsoorka si mudlaq ah (exclusive) u leh “Golaha Adeegga Garsoorka”,Dastuurka iyo sharciyada Dalka kuma jirto meel uu Garsoore, daraja kasta uu leeyahay uu “kaligii dhaqaajin karo xil ka qaadis Garsorayaal si sharci ah u magcaaban” oo lagu baarayo, lagu eedeeynayo, go’aanna looga gaarayo Garsooraha la dacweeyo, daraja kasta uu ku leeyahay Garsoorka, ama xil looga qaadayo.

Dhaqaajinteeda waa xilka ugu weyn ee Golaha Adeegga Garsoorka oo markii ay cabasho rasmi ah jirto, magcaabaya “Maxkamad Baarta”, Iyadoo Nidaamka Garsoorka Lr. 3 ee soo
baxay 1962kii uu Xilkan Baarista lahaa “Kormeere Garsoor”, halka Sharciga Garsoorka ee jira uu adkeeyey oo ay lagama maamaan tahay in uu Magcaabo Maxkamad Baarta Go’aanna ka Gaarta, una gudbisa gungaarkeeda Golaha Adeegga Garsoorka, si uu uga qaado tallaabada ku habboon., marka ay u caddaato Maxkamadda Baareysa, uuna Golaha Adeegga ku qanco.
2
Haddaba tallaabada laga qaaday Garsoorayaashan ma aha mid waafaqsan Dastuurka iyo Sharciyada dhaqangalka ka ah dalka, maadaama “xil ka qaadista iyo ruqseynta” 21 Garsoore, oo uu si Sharciga waafaqsan u magcaabay Gole Adeeg Garsoor , waxaa qasab ah in la raaco habraaca Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka. Cudurdaar ma noqoneyso “in aan la dhisin “Golihii Adegga Garsoorka”. Waxaa xusid mudan in Qodobka 1aad ee Dekreetada1, lagu ruqseeyey iyada oo aan la dhawrin
habraaca Dastuurka iyo sharcigu tilmaamayaan, waxaa intaas dheer in aan la marsiin habraaca xaqiijinta eedeymaha haddey jiraan laga dacwoodo, mana noqoneyso qiil sharci ah
in muddo (Lix 6 sano ah)2 oo soo magcaabis iyo ku takrifal garsoor oo lagu baal maray sharciga, waxaana laga gaabiyay in la dhiso Gole Adeeg Garsoor oo magcaaba, beddela,
baara, ka gungaara in la socodsiin karo, waxay eedda dekreetada ku qoran noqoneysaa meel ka dhac, gaar ahanna lagu sababeeyay dembiga loo saariyay oo aysan Maxkamad sharci ku
dhisan ka soo saarin xukun si kama dambeys ah uga soo dhammaaday dhammaan darajooyinka Garsoorka, isla markaana uusan jirin kuna caddeyn dekreetada caddeyn Dacweyn oo uu xukun kama dambeys ah ka dhashay oo sharciyeyn lahaa in dhammaantood xilka looga qaaday laguna sababeeyay:
1. Musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aan, oo labada sababood ee lagu saleeyayna ay yihiin eedeyno aad u culus oo lagama maarmaan ka dhigeysa inuu jiro Gole Adeeg oo magacaaba Maxkamadda Anshax ee ku xusan Qodobka 19aad ee Dhisidda Maxkamadda Anshax-marinta si -: a. Uu u Baaro Golaha Adeegga Garsoorka, b. Dembiyadaas culusna ay u caddaadaan Golaha Adeegga Garsoorka oo sharci ku dhisan uuna ka qaado xasaanadda, si waafaqsan sharciga Golaha Adeegga
Garsoorka iyo Dastuurka Federaalka; c. Golaha Aeegga waxaa la kala diray 11/3/2015
2. In uu jiro xukun dacwad ciqaabeed oo dhaqangalay, soona maray dhammaan
darajooyinka Maxkamadaha – Taasi waxay maragkac aan shaki laheyn ku noqon lahayd Garsooyaasha cabanaya inay dembi galeen, waxayna muteysan lahaayeen xarig,

haseyeeshee ma dhicin, hay’addii sameyn kartayna ma dhisna
Waxaa kale oo xusid mudan in Qodobka 2aad ee Sharciga lagu dhisay Golaha Adeega Garsoorka iyo Qodobka 28aad ee Sharcigii horeba ay si cad u dhawrayaan Madaxbannaanida
Garsoorka, islamarkaana Qodobka 5 aad ee Xilalka iyo awoodaha Golaha Adeegga garsoorka, faqradiisa 3 aad
, ay farayso in la dhowro Madaxbannanidaas, sidaa darteed ayuu faray in “inta lagu dhamaystirayo jagooyinka garsoorka ee Garsoorayaasha heer Federaal, iyo Hawlwadeennada hadda xilka garsoorka haya in ay ahaanayaan sii-hayayaal hawlaha
xilka Garsoorka”. Garsoorayaasha loola jeedo sii-hayeyaal, “waa kuwa uu Gole Adeeg Garsoor ku
Magcaabay si waafaqsan Dastuurka iyo sharciga”, oo waafaqsan Madaxbannaanida
Garsoorka ee ku xusan Qodobka 106aad ee Dastuurka Federaalka, sumcaddooda iyo xilkooda garsoor lagu waxyeelleeyey soo-jeedin “Garsoore uu si toos ay u magcawday Awoodda Fulinta”, waxayna khilaafsan tahay Dastuurka iyo habraaca sharciyeed ee jira, oo “loo adeegsaday eedeyn aan sharci ku saleysneyn, loomana marin habraaca sharciga”, ujeedkuna yahay in mushaarkooda la siiyo dad ku noqday Garsoorayaal habraac aan sharciga waafaqsaneyn iyo iyada oo maqnaanta Golaha Adeegga Garsoorka ku dhawaad lix sano
loogu talogalay, waxaan shaki lahayn in ay dhaawaceyso in uu sii jiro Garsoor 1 Dekretada Xilka looga qaaday 21 Garsoore MJFS ee 12/05/2020 (Eeg Liaaqa) 2 Dekretada Lagu Kala Diray Golaha Adeegga Garsoorka ee 11/3/215 (Eeg Liaaqa) 3
Madaxbannaan oo la siman Awooodaha Dowladnimada Dimoqraadiga ah u qeybsan xilal kala duwan oo ku asteysan Dastuurkeenna iyo Dastuurrada Dalalka Adduunka intooda
badan, Garsoor ka madax-bannaan Golayaasha kale, si waafaqsan Dastuurka oo damaanad u ah in la saadaalin karo sida ay ku imanayaan ama looga qaadi karo xilka.

Garsoor xor ah ma jirayo, tirada ku hartay ee si sharci uu u magcaabay Gole Adeeg Garsoor ee soo haray waa TODDOBO (7) GARSOORE, wayna sii badanayaan tallaabooyinka meel
ka dhaca ku ah Madaxbannaanida Hay’adda Garsoorka ee ku xusan Dastuurka. Mana la garan waayin in 6 sano, adeegayaasha xilalka haya iyo kuwa qaban doona habraac sharciga
ku dhisan xilka looga qaado si ay damaanad u helaan, uuna magcaabo Gole Adeeg Garsoor.

Maamulka, kormeerka, dabagalka, tallaabo ka qaadista Garsoorayaasha, waa Xilka Golaha Adeegga Garsoorka oo aan tan iyo markii la kala diray aan marnaba leysku dayin,
sharciga iyo Dastuurkana lagama helayo Qodob tilmaamaya.
Waxaa intaas dheer in Qodobka 109aad (A), faqradda 6
aad iyo 111 aad (A) ee DFKMG ay xeerinayaan inuu xilka Golaha Adeegg a Garsoorka yahay Magacaabista, dalacsiinta,
ruqseynta iyo anshax marinta hawlwadeennada garsoorka, ayna u gudanayaan si ka madaxbanaan hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta, sidoo kale wuxuu Qodobka 24aad ee
sharciga lagu dhisay Golaha Adeegga Garsoorka, uu si cad u xeerinayaa inuu Golaha Adeega Garsoorku leeyahay xil ka qaadista xasaanadda garsoorayaasha (Magistrates), oo isugu jira
Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaaliyayaasha, marka ay galaan dembiyo culus, wuxuuna u fasaxi karaa hay’adaha amniga iney baaraan shakhsi ahaan iyo hoygooda intaba.

Haddaba waxaa hubaal ah in “asbaabaha lagu saleeyay dekeretada Madaxweynaha ay baal marsan tahay habraacaas uu sharcigu jideeyay”, in loo maro xil ka qaadista Garsoorayaasha
iyo hawlwadeenada Garsoorka, “laguna xadgudbay sarreynta sharciga” ee ku xusan Qodobka 4aad , ee Sarraynta Dastuurka Qodobka 34 aad, Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca, iyo Qodobka 10aad , Karaamada Aadanaha ee DFKMG ah, maadaama asbaabaha ku xusan Dekeretada ay ku qotomaan:
1. Qodobka 90aad xarafkiisa “J”, oo xeerinaya “inuu Madaxweynuhu magcaabi karo Garsoorayaasha heer federal, “kaddib marka Golaha Adeegga Garsoorka u soo jeediyo”,
hase yeeshee ma jiro Gole Adeeg oo u soo jeediyay si loo soo saaro dekreeto magcaabis ama xil ka qaadis Garsoorayaal ama Xeer Ilaaliyayaal (Magistrates);
2. Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah “laguma dhaqo xil ka qadista Garsoorka”, hadduusan
jirin Gole Adeeg Garsoor oo dhisan soona jeedin, sida ku cad sharciga dhaqangalka ah ee lagu dhisay Golaha Adeega Garsoorka, lana ansixiyay 30kii Juun, 2014kii, iyo Sharcigii ka
horreeyey ee Nidaamka Garsoorka Lr. 3, soona baxay 12kii Juun, 1962kii oo isla Qodobkiisa 28aad uu qasab ka dhigayo “in loo hoggaansamo talada Golaha Adeegga Garsoorka”.
Garsoorka ku hawlgala Habraac sharciga ka soo horjeeda, iyo ciddii ku hawlgelisa waxaa uga iman kara mas’uliyad ciqaabeed iyo mid madani, maadaama lagu salaeeyey tallaabo ka
horjeedda Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

Haddaba waxaan u aragnaa in tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneyn, kana horjeeda Dastuurka in laga waantoobo, la raaco, lana ilaaliyo sarreynta sharciga ee ku xusan
Qodobbada Dastuurka Federaalka Ku-Meel Gaarka ah iyo Sharciga Golaha Adeega Garsoorka ee la ansixiyay 30kii Juun, 2014kii , marka la magcaabayo, la beddelayo, la
dallacsiinayo, iyo marka xilka laga qaadayo Garsoorayaal;
Sidaas darteed looma marin habraacii sharciga ee aan sare ku soo sheegnay, waxaana waajib ah, mar haddaan la eryi karin ilaa uu jiro Gole Adeeg Garsoor oo shaqeynaya, lagama jari  4
karo xuquuqda shaqada guud ee u bisilaatay iyo daryeelka kuwooda dhaawaca ah ama geeriyooda.
Waxaa kale oo xusid mudan in maadaama xilligan Garsoorka kaliya ay toos u maamusho Dowladda Dhexe ee Federaalka ah, waxaa lagama maarmaan ah in aan si ka duwan qasadkaa
aan loo adeegsan, iyada oo weliba tirada Garsoorka lagu magcaabay soo jeedinta Gole Adeeg Garsoor uu gabaabbsi yahay, oo ay ka soo hareen oo kaliya Garsoore kooban kuna
magcaaban, si aan waafaqsaneyn Sharciga, isla markaana xukunnada ay ridaan mustaqbalka
ay ka iman doonto mas’uuliyad, iyo tallaabooyinka hore loo qaaday iyada oo aan la marin sarreynta Dastuurka iyo sharciga ayna uga imaaneyso mas’uuliyadahaa ciddii sameysa ama
ku shaqeysa.

Waxaa xusid mudan in Dekreetada shaqo ka saaridda 21 Garsoore, uu nasiib darro ka mid yahay “Garsoore Marxuum Yusuf Maxamed Bood” iyo Garsoore “Xaashi Cilmi Nuur “ oo
uu caafimaadkiisu aad u liito. Waana arrin aad u xun oo naxdin leh.

Waxaan mudanayaal, si waafi ah usoo qornay taladaan sharci si loo kashado, isla markaana la qaado tallaabada ku habboon ee lagu saxayo, laguna ilaalinayo Dastuurka, iyo Shuruucda
Dalka, loona asteeyo shacbiga Soomaaliyeed in ay saadaalin karaan tallaabooyinka Hay’adaha Qaranka, degdegna loo dhiso Gole Adeeg Garsoor aan dhinac ahayn oo ay xubno
ka noqdaan dad maanka ku haya sarreynta sharciga.
Naga Guddoon Mahadnaq iyo Salaan.
Qareennada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.