Generaal Ismaaciil Saxardiid taliyihii qeybta 43 aad ee gobolada mamulka Jubbaland oo xilka ku wareejinaya Taliyahan cusub ee loo Magacaabo Qeybta 43aad taliyaha Ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) munaasibada xil wareejinta ayaa ka dhacaeyso Magaalada garba haarey ee gobolka gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.
“Jubbland ma ahan Axmed Madoobe iyo Kismaayo kaliya ee Gobolka Gedo ayaan shaqadeyda ka billaabayaa” ayuu yiri Jeneral Bogmadow.
Gudoomiyaha gobolka Gedo, saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolkaas iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweysay.
Ciidamada qeybta 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.
Jeneraal Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.
Sida ku cad qoraalka kusoo baxay bogga Jubbaland, soo magacaabista taliyaha ayaanan waafaqsanayn sida uu nidaamka ahaa, waxaana la yiri “Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada, qodobka ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo”.
Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray “Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow”.
,
.
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0