Home Afsomali German plane hijacked to Somalia in 1977 being brought home Diyaaradii Lufthansa...

German plane hijacked to Somalia in 1977 being brought home Diyaaradii Lufthansa ee Afduubka lagu geyey Muqdisho oo taariikhda gashay

Lufthansa Boeing 737 hijacked to Somalia 40 years ago at the height of the leftist Red Army Faction’s campaign against West German authorities is coming home to a German museum.

The Dornier Museum in Friedrichshafen in southern Germanysaid Thursday the plane is expected in September, the news agency dpa reported. The aircraft, which has been at Brazil’s Fortaleza Airport for years, will be dismantled for transport.

The October 1977 hijacking of the Mallorca-Frankfurt flight by a Palestinian group demanding the release of RAF members marked the peak of the “German Autumn” of leftist violence. German commandos stormed the plane in Mogadishu, Somalia.

Germany’s foreign ministry bought the plane from Brazilian airport operator Infraero. Foreign Minister Sigmar Gabriel told daily Bild the aircraft symbolizes that “we won’t bow to terrorism.”

Sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan madxafka Dornier ee koonfurta dalka Jarmalka, waxaa la qorsheyanaa in madxafkaasi la geeyo haraadiga diyaaradii Lufthansa ee nooceedu ahaa Boeing 737 ee 40 sano ka hor laga soo furtey magaalada Muqdisho kadib markii ay afduubteen kooxo Falastiiniyiin ah.

Diyaaradan ayaa waxa ay tiiley garoonka Fortaleza ee dalka Brazil, waxaana lasoo wareegtey wasaaradda arrimaha dibada ee Jarmalka, waxaana la dhigayaa madxafka si ay astaan ugu noqoto ‘dhabar adeega iyo geesinimada dadka Jarmalka’ sida uu wargeyska Bild u sheegey wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Sigmar Gabriel.

Bishii Oktoobar, 1977-dii ayay kooxo Falastiinyiin ah magaalada Frankfurt kasoo afduubteen diyaaradani, iyaga oo markii dambe kusoo dajiyey garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo markii dambe ay rakaabkii soo furteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jarmalka oo gacan ka helayay dowladdii militariga ee xiligaasi Soomaaliya ka talineysay.

Duulimaadka tirsigiisu ahaa 181 ayaa waxaa afduubtey koox falaago ah oo isugu jirey falastiiniyiin iyo lubnaaniyiin, kuwaasi oo mid ay haweeney ahayd, waxayna doonayeen in lasoo siidaayo rag ay jabhadda ka wada tirsanaayeen oo ku xirnaa xabsi ku yaala Jarmalka.

Diyaaradan ayaa waxa ay soo martay magaalooyinka Roma, Dubai iyo Cadan, iyada oo kama dambays soo cago dhigatay magaalada Muqdisho.

Waxa ay afduubayaasha dileen duuliyihii diyaarada markii ay Muqdisho yimaadeen.

Wadahadal iyo heshiis dhexmaray dowladdii Jarmalka Galbeed iyo dowladdii Soomaaliya ayaa waxa uu suurtogaliyey in Muqdisho ay kasoo dagaan unug ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababar ee dalkaasi Jarmalka, kuwaasi oo ku guuleystey in ay galaan diyaarada , kadibna soo furtaan 83 qof oo ahaa rakaabkii diyaaradda.

Waxaa hawlgalka lagu diley 2 ka mid ah afduubayaasha , labadii kalana waa la dhaawacay.

Dhacdadani waxa ay horseedey xiriir dublamaasiyadeed oo wanaagsan oo dhexmaray Soomaaliya iyo Jarmalka

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.