Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mudda 6 bil ah ugu kordihyay Hawlglkaa ciidamada Midowga Afrika ATMIS ee Soomaaliya, Waxana Goluhu uu ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan.
Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah.
ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo 0 dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya.
Arintaan ayaa imaaneysa Xilli Ciidamada Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya ay bilaabeen in ay dalka ka baxaan waxaana fariisimo ay ku lahaayeen degaano ka tirsan dalka ay ku wareejiyeen Ciidamada Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya