Kulan ay muqdisho ku yeesheen Odoyaal siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Habargidir Ayaa lagu soo dhaweeyey raali galintii raiisal wasaare ku xigeen Mahdi Maxamed guuleyd qadar iyo gogoshii uu ku dhawaaqay
Iimaan Cabdulaahi khaliif rooble oo ka mid ah marjaca habargidir ayaa si qoto dheer uga hadlay wuxuuna xusay in Golaha habargidir iyo dhaqankooda uusan Soo gaarin mana arag cid nooga soo dacwootay waana arin ceeb iyo gardaro ku ah beesha habargidir hadalk8i ka soo yeeray buur madow iyo xulafadiisii.
Cabdi cilmi Xasan oo ka mid ah golaha hogaaminta habargidir ayaa sheegay in hadalka ka soo yeerey buur madow iyo Cabdi Xaashi uu yahay gef iyo godob lagu maagay habargidir
Wuxuuna cadeeyey in aanay soo gaarin ergo ka socoto oo u galiimay qabiilka raiisal wasaaraha oo ah masuul dowladeed .
Dhanka kale wuxuu goluhu soo dhaweeyey raali galaintii raiisalwasaare ku xigeen iyo gogoshii ay dhigeen intaba
Boqor cismaan jiiro ayaa xusay in ay yihiin labada dhinac ay ka dhaxeyso Derisniimo islaamino iyo walaltinimo kala dhaxeysa beesha habargiri.
Arinta buur madow ku anacoday waa been abuur mana jirto fadhi iyo gogol beeshu ku diiday waxaana soo dhaweyneynaa dadaalada raali galinta iyo gogosha uu wado raiisal wasaare ku xigeen Mahdi
Wuxuu dhanka kale soo hadal qaaday Arimaha doorashada beelaha somaliyeed baan ula simanahay waana raiisal wasaare Somaliyeed .
Gudoomiye ku xigeenka golaha hogaaminta habar gidir Cabdulaahi Cabdulle wehliye ooo ka hadlayey
Hadaladii iska soo horjeeday ee ka soo yeeray reer somaliland ayaa sheegay 8n uu soo dhaweynayo raali galintii xubnihii uu hogaaminayey mahdi guuleyd dhanka kale hadalkii buur madow iyo Cabdi Xaashi nama soo gaarin galiinkooda
Hadii Boqorkii iyo Prof samatar iyo cabdi Xaashi ay sidaa ku hadleen wuxuuna sii dabadhigay in ay beesha been ka sheegeennuna gafeen .
Warkooda sooma gaarin golaha hogaaminta iyo dhaqanka