Home Afsomali Goobihii ganacsiga islii Nairobi oo cabsi loo xirey iyo ciidamo gaafwareegaya

Goobihii ganacsiga islii Nairobi oo cabsi loo xirey iyo ciidamo gaafwareegaya

Ciidamada Kenya oo  lagu soo daadiyay Xaafada Somalida dagto ee Islii
Waxaa goor dhawayd xaafada islii lagu arkay Ciidamo ka tirsan Kuwa Kenya oo aad u hubeysan, kuwaas oo iskugu jira Booliis iyo AP.

Ciidamadaan ayaa loogu tala galay in lagu kala dhex dhigo Somalida islii dagan iyo Kenyanka, si looga hor tago isku dhac ka dhasha ku dhawaqista lagu wado in saacadaha soo socda looga dhawaaqo Kiiska bada Somaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Ciidamadaan ayaa waxaa la socda qar ka mid ah Ganacsatada, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa xaafada madaari oo ay dagan yihiiin Tuugada ugu badan Kenya gaar ahaan kuwa madowga ah. Oo aan ka fogayn xaafada islii

Waxaa albaabada loo laabay suuqyadii Ganacsiga markii la gaaray 4-galabnimo oo ay bilaban doonto dhagaysiga dacwada badda.
Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.