Home Afsomali Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo qabtay doorasho hal dhinac ah iyo magaca...

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo qabtay doorasho hal dhinac ah iyo magaca gudoomiyaha ay doorteen

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.

Waxaa Guddoomiyaha guddiga loo doortay  Khadar xariir Xuseen, iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Doorashada ka dhacday xerada Afisyooni ayaa waxaa amarkeeda lahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale, garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda taasoo sii dheereyneyso khilaafka u dhaxeeyo guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi.

“Ra’iisul Wasaarahu haduu u dhinac raaco sideen u garowsan karaa Ra’iisul Wasaaraha cadaalad sameynaya, ma u arki karo, Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad.”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda kalana uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.