Home Afsomali Guddiga doorashooyinka heer federaal oo loo maleynayey in ay laaluush la dhergeyn...

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo loo maleynayey in ay laaluush la dhergeyn ayaa haatan ka cabanayab

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo loo maleynayey in ay laaluush la dhergeyn ayaa haatan ka cabanayab Mushahar la’aan

Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa sheegay inay haysato cabaqad dhaqaale oo ay la qabaan guddiyada heer Maamul goballeed Xilli doorashada Golaha shacabka ay ka socota Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga doorashada ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah, guddigana ay soo food saartay dhaqaala xumo adag.

Guddiga ayaa sheegay in dhaqaalihii loogu tala galay doorashooyinka aan loo helin sidii la rabay isla markaana beesha caalamku ay shuruudo ku xirtay bixinta dhaqaalahaas.

Waxaa ay sidoo kale beeniyeen in guddiga guryahooda laga saaray ayna been abuur tahay warqadda baraha bulshadda lagu faafiyey ee lagu sheegay in gudiga la siiyay maalmo kooban inay uga baxaan guryaha ay deggan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.