Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo hirgalinaya Heshiiskii 17 Septembar 2020, Habraacii 1-da October ee lagu unkay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021, wuxuu la wadaagayaa Wakiilada Dhaqanka (Nabadoonada Jufooyinka) iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee xulaya Ergadda, Codbixiyayaasha iyo Musharixiinta Doorashooyinka Dadban 2020/2021 in shuruudaha Soo-dacwoodaha, Mudada Soo Gudbinta Dacwooyinka, Xafiiska Dacwadaha lagu soo hagaajinayo, muddada baaritaanada, dhagaysiga iyo go’aan ka gaarista dacwooyinka ay ku cad yihiin Habraaca soo gudbinta Dacwooyinka Doorashadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee uu GXKHDD shaaciyay 01/11/2021. Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban wuxuu xasuusinyaa Soo-Dacwoodayaasha Doorashada Muddada Soo Gudbinta Dacwooyinka; ·
Cabashooyinka la xiriira saxsanaanta guddiga soo xulista ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka) waxaa lagu soo gudbinayaa 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka ay Guddiga Maamulaya Doorashada (SEIT) ay shaaciyaan magacyada Nabadoonada iyo xubnaha Bulashada rayidka kursi walba. · Cabashooyinka la xiriira hab qaybsiga iyo kala shaandheynta ergooyinka waxaa lagu soo gudbinayaa 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanysa marka la shaaciyo liiska ergada kursi kasta. ·
Cabashooyionka la xiriira diiwaangalinta musharixiinta iyo ku dhawaaqida liiska musharixiinta waxaa la soo gudbinayaa marka la shaaciyo liiska musharixiinta kursi kasta oo ah ka hor 48 saac xiliga doorashada kursigaas. ·
Marka la qabto doorashada kursi kasta waxaa lagu gudbinayaa cabashooyinka la xiriira natiijada doorashada kursigaas 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka lagu dhawaaqo natiijada horudhaca ah ee kursigaas. Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniitu ay xaq u leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana GXKHDD uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah.
GXKHDD waxaa si rasmi ah u soo gaaray labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka. GXKHDD wuxuu ku boorinyaa Soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafiiskyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegaan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban wuxuu ka codsanayaa Golaha Midowga Musharixiinta inay keenaan caddaymo muujinaya in Guddigu hor istaagay in uu qabto dacwado iyo go’aano u guddiga gaaray oo aan loo marin habraacii loo dajiyay.
Ugu dambayn, GXKHDD wuxuu u balan qaadayaa Golaha Midowga Musharxiinta iyo dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka inuu si daahfurnaan leh u hor keeno dacwooyinkii uu qabtay iyo sidii uu ku gaaray go’aanadii uu qaatay markasta oo loo bahdo.
https://youtu.be/SOdydJtGlI8
https://youtu.be/2n-XBrDGQ1o
https://youtu.be/kaqe4Fo61zE
https://youtu.be/fkt85E-7UaI