Home Afsomali Guddomiyaha Gobolka Yuusuf Xusen Jimcale Madale ayaa boqday isgoska IFKA XALANE...

Guddomiyaha Gobolka Yuusuf Xusen Jimcale Madale ayaa boqday isgoska IFKA XALANE gaar ahan xarunta dhul bixinta Dowladda Hose

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday isgooska IFKA XALANE gaar ahaan xarunta dhul bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii uu ku qarxay qaraxii ay fashiliyeen ciidanka Amniga qaranka iyaga oo toogtay dhagar qabihii waday gaariga qarxay oo isku dayay in uu si xoog ah uga gudbo bar-kontorol oo ay ciidamada Amniga ku hubiyaan gaadiidka.
Kormeerkan uu Guddoomiye Madaale ku tagay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku helinayay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), iyada oo uu duqa Magaalada Muqdisho war bixin la xariirta dhacdadaani ka dhageestay saraakiishii goobta ku sugneyd, isaga oo ku bogaadiyay sida foojig naanta leh oo ay ciidanka Amniga uga hortageen dhagartan guracan oo ay khawaarijta ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.