Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo uu wehliyo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya- Mago oo katirsan Gobolkan Hiiraan waxuu dhiirra gelin u sameeyay Ciidanka Xoogga iyo Kuwa deegaanka, waxuuna ku amaanay sida ay casharka ugu dhigeen Argagixisada oo dhawaan isku dayay in weerar dhuumaalaysi ah ku qaadaan deegaankaasi Oya-Mago
Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday in taageerada Maamulka Gobolka Hiiraan ay joogto ahaan doonto, ciidanka dib u xoreynta deegaankana ay u diyaar garoobaan qabashada deegaanada kale ee ay ku dhuumanayaan Khawaarijta.
Deegaanada uu booqday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa kamida Libileey, Oyomago, iyo Qandoolyaay oo dhamaantood katirsan Gobolkan Hiiraan
Guddoomiyaha Gobolla Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa wada isu-duba ridka iyo dhiirragelinta Ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka ,si loo bilaabo wajiga labaad ee Howlgalada ka dhanka ah Argagixisada AS.





+17
All reactions:
81