Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya kulankooda caadiga ahaa yeeshay ayaa kaga dooday arrimo kala duwan , waxaana intii shirku socday goluhu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis, wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiye kuxigeenka bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo magacaabista guddoomiye kuxigeenka cusub.
Maryan Macalin oo aheyd muddo ka badan 6 sanno guddoomiye kuxigeenka bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xilkaasi laga qaaday, waxaana loo magacaabay xilkaasi Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali oo ah nin aqoonyahan ah oo katirsanaa wasaaradda haweenka, sidoo kale Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay sameeyaan xil ka qaadis iyo magacabais masuuliyiin dhoor ah oo soo shaqeeyay waqti dheer is loo hormariyo hay’adaha dowliga ah.