Is rasaaseyn ka socota Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso
Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa PMPF-ta & PSF-ta ayaa ku dagaalamaya afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dagaalka labada Ciidan ayaa salka kuhaaya Ciidanka PSF oo doonayey in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga soo dajiyo diyaaradda ay lasocoto kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Xaaji Samatar, laakiin ciidanka Imaaraatka uu tababaray ee PMPF ay diideen in diyaaradda ay dagto.
Saraakiisha PSF ayaa amray in diyaaradda dib loogu soo celiyo garoonka oo ay soo dagto, waxaana taasi keentay inay dagaalamaan labada Ciidan oo ka wada tirsan Puntland.
Diyaaradda ayaa wada daawo iyo gargaar deeq ah oo loogu talo galay bulshada gobalka Barri, taas oo ay qeyb ahaan uga heleen kaalmada dawladda Faderaalka Soomaaliya la soo gaarsiiyey.