Home Afsomali GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SOO GAARAY BAYDHABO

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SOO GAARAY BAYDHABO

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SOO GAARAY BAYDHAB Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo gaaray magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa waxaa safarka ku weheliyay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen, Xildhibaano iyo Wasiiro isugu jira heer Federaal, kuwa maamulka KGS iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu furi doonaa shirka shaacinta iyo horumarinta farta rasmiga ah ee Maayga oo ka dhici doona Magalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.