Home Afsomali Gudoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya oo ay u tartamayaa 150 dhaqaale yahan...

Gudoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya oo ay u tartamayaa 150 dhaqaale yahan oo ka soo jeedo wadamo shisheeye

Wasiir Bayle iyo Boqorka  Bangiga Dhexe

Mac’had la yiraahdo ( Overseas Development Institute ) lagana leeyahay Boqortooyada Ingrisiiska  ayaa loo xil saaray kala saarista iyo kala reebidda ku dhawaad 150  qof oo dalbaday shaqadii ay dawlada Soomaaliya ku xayaysiisay warkays Ingriiska laga leeyahay ( financial times ) laguna bixiyay aduun gaaray 26 kun oo Doolar .

Waxaa la aas aasay 1960 kii markay dhulal badan oo Afrikaan ahi xoriyadoodii  kala soo noqdeen Ingriiska oo horay u xoogay , xaruntan waxaa haattan maareeye ka ah Sarkaal horay uga tirsanaa CIA , gadaalkii kasoo shaqeeyay USAID  Afqaanistaan , khubarada Mac’hadka waxaa ku jira saraakiil dhawr ah oo horay uga tirsanaa MI6  ahaana baarayaal dhaqaale, aqoon dheerna u leh dhaqaalaha adduunka sida loo kobciyo iyo dabcan sida loo dumiyo ama loo hanto .

Wasiir bayle wuxuu ku dhex dhacay laba dab oo kala daran , tan iyo intuu noqday wasiirka waxaa yaraaday xoolohii la xadi jiray waxaana kordhay dakhligii dalka , wuxuu kusoo rogay canshuur shaqaalaha shisheeye ee dhooban Xalane iyo xamar , shisheeye badan oo xoolo inay dhacaan u joogay xalane ayaa ninkaan karhay , cadawgiisa koobaad waxaan filayaa inuu yahay shisheeyaha maanta Xalane dhooban iyo askarta Afrikaanka ah ee mushaar sanadoodkoodii ku hela bil joogidooda Soomaaliya .

Waxaa dhanka kale dab uga shidaya Ganacsatadii Siyaasadda Soomaaliya oo uu ka yaraaday dhaqaalihii kusoo qulquli jiray jeebabkooda , waxayna ku haminayaan inay si uun shaarkiisa dhoobo ugu daadiyaan loogana tuuro kursiga kadeeday kulli shisheeye iyo sokeeye wixii dalka u haystay inuu yahay Mashruuc laga ribxo .

Bangiga dhexe  shaqada ka banaan ee muranka dhalisay kana aamusan  yihiin dhaqaala yahanno badan oo soomaali ah inay dadka dajiyaan ama kiciyaan hadba kii dalka iyo dadka u roon, waxaa ay Dawladdu Xamar ku casuuntay 6 qof oo ay ku jiraan Gabar Masaari ah , Nin u dhashay Gaana , Gaalka laga qaylinayo iyo Nin  uu dhalay Caaliminkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Aadam Sheekh C/Laahhi ( Raadiye Muqdisho ka marin jiray Tafsiirka Quraanka Kariimka )  dhammaan dadkaan sida aan xog ta uga helay xog hayn sare dadkan way leeyihiin aqoon ku filan inay maamulaan Bangiga dhexe  maxaase muranka keenay ?

Nigel Roberts waa dhaqaale yahay u dhashay Boqortooyada Ingiriiska , wuxuu ku biiray Baanka Adduunka markuu ‘’isaga tagay’’ Hay’adda nabad sugida Boqortooyada , wuxuuna kasoo shaqeeyay dhulal ay ka mid tahay Marinka Qasa oo ah saldhiga wax iska caabinta dhabta ah ee Falastiin , Itoobiya oo markaas ka mid ahayd Bahwayntii Hanti-wadaagga waa  nin muddo dheer ku dhex jiray kana shaqeeyay Soomaaliya oo ay ku hardamayaan Xoogag ‘’Islaamiyiin’ ah qaar badan oo soomaali ahna ay shaki ka qabaan cidda siisa dhaqaalaha iyo dhaq dhaqaayada ay sameeyaan sida loo maareeyo . Nigel wuxuu ka mid yahay Shirkadda muranka badan reebtay  Som Oil And Gas

Isku soo duub Shaqada oo ay Mushaarkeeda  uu bixin doono Bangiga Adduunka  oo aan 3 dii bilood ee na dhaaftay in lacagtaas lasoo marsiiyo Bangiga dhexe oo ay Dawlada Soomaaliya bixiso , halka Bangiga Adduunkuna uu matalay inaan la aaminayn Soomaalida , waxaa suura gal ah in lagu qasbo Soomaaliya oo maalmo dhaw cayrisay Ergay aan la jeclaysan xarumaha dawladda , Nigel oo ay adkaan doonto cayrintiisa, raadka u ku reebayo jiilasha Soo kacaya ee qaayibi doona in nin shisheeye ah maahane aan lagu aamini doonin dalka ilihiisa dhaqaale qof Soomaalia ah.

Waxaan waydiisanayaa  Dhaqaala yahanka Soomaaliyeed ee dunida ku baahsan inaysan kala bakhaylin aragtidooda  waliba ku qoran Af Soomaali inay la wadaagaan wanaag iyo xumaan waxa ka imaan kara haddii qof shisheeye  oo aqoontiisa looga maarmi karo Qof Soomaali ah waxa ka dhalan kara dhibaato iyo dheef waxa laga dhaxli karo .

Waxaan qabaa shaqaalaysiinta ninkaan shisheeye ee shubhadu ku jirto waa sahlan tahay waxaase imaan doonto maalin ay adagtahy in la cayriyo , cunaha yaan la qaban oo yaan shisheeye loo loogin dadka iyo dalka !

Suudaan markay qaadanaysay talada Bangiga Adduunka sarifku wuxuu ahaa $1 = 7 Gini oo Suudaani  ah , durba marii la dhaqan galiyay Taladii Bangiga Adduunka wuxuu gaaray $1 = 18 Gini oo Suudaani ah ( Aljazeera)  .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.