Home Afsomali Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Cadaado ka wado dhaqdhaqaaq...

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Cadaado ka wado dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xilka looga qaadayo ….

Waxaa Magaalada Cadaado ka soconaya saakay kulamo ay leeyihiin Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada ka tirsan galmudug, kaasi oo looga hadlayo sidii laga yeeli lahaa colaada ka aloosan Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee maal mahan joogay Magaalada Muqdisho ayaa ku sii qul qulaya Magaalada Cadaado  , kaddib markii shalay uu u yeeray Cali Gacal Casir.

Dadka degaanka ayaa   sheegay in Magaalada cadaado  laga dareemayo kulamo ay wadaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo dhawaan la sheegay in  xilka laga qaaday.

Dhanka kale  Magaalada dhuusa mareeb ayaa waxaa iyana  ka socda  kulamo lagu soo magacaabayo Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug,waxaana kulamadaasi dhuusa mareeb ka wado xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Kulamadan iska soo horjeeda ee ka soconaya Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ay sii hurin karaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda Maamulka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.