Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta Degmada Shibis kulan ku saabsan horumarinta Amniga la qaatay qaar kamid ah Maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa si kulul uga hadlay Falalka Amni darro ee maalmaihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ee ay ugu horreyso dilalka Askar ka Tirsan Ciidanka Dawladu geysateen Wadyaal Mooto Bajaaj iyo dhacdadii 27kii bishii Febraayo Xilli Habeen ah ka dhacday Isgoyska Siinaay oo ahaa iska hor imaad dhexmaray Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka balse ay ku geeriyoodeen dad shacab ahaa.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa Tilmaamay in dhacdooyinkaas oo idil ay keenayaan in Magaalada Muqdisho ay noqoto meel Amni darro ay ka jirto waxana uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa Amniga Caasimadda.