Home Afsomali gudoomiyaha Maxkamada sare oo garsoorayaasha kula dardaarmay in aysan soo saarin xukuno...

gudoomiyaha Maxkamada sare oo garsoorayaasha kula dardaarmay in aysan soo saarin xukuno cadaalad daro ah

Dib u dhis lagu sameeyey Hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta uu Xarigga ka jaray Gudoomiyaha Maxkamdda Sare Dalka

Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka Dalka iyo Masuuliyiinta Garsoorka waxaa ay ku qaadatay wax yar Bil inay ku dhisaan Hoolka dhageysiga Dacwadaha ee Maxkamadda Gobolka Banaadir kadib lacago ay iska soo arruriyeen.

Waxaa kala qeyb galay Munaasabadda Xarig jarka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Madaxda Maxkmadda Ciidanka Qalabka sidda, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Abshir Cumar Cabdullaahi oo sigaar ah Shaqadan loogu xilsaaray dhameystirkeeda ayaa sheegay in arrintan ay ku hirgashay kadib markii ay iskaashadeen Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka sidoo kale kaalin fiican ka qaateen xafiiska xeer illaaliyaha Qaranka iyo kan Madaxkamadda Ciidamadda Qalabka sidda.

Gudoomiyaha Maxkamadda daraja koowaad ee Ciidanka Qalabka sidda Xasan Cali Nuur Sheete ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in shaqo fiican lasoo qabtay balse loo baahan yahay in aan halkan lagu joojin ee lasii wado.

“ Gudoomiye Maxkamadda Ciidanku halkan shaqo badan ayey ku qabatay waxaana ku faraxsanahay qaabka Maanta loo ekeysiiyey waana wax aad looga shaqeeyey runtii waxaana ku shaqeyn doonaa halkan iyadda oo waliba la-casriyeeyey”.

Xeer illaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa  waxaa uu sheegay in loo baahan yahay shaqo kasto oo laqabto in aan meeshaas looga harin balse markasta lagu sameeyey dib-u-eegis iyo waxyaabaha ka halaaba in isla markiiba loo hagaajiyo.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Xafiisyada iyo Hoolalka quruxda badan ee lasameeyey lagu qabto shaqo wanaagsan oo aysan kasoo bixin Xukuno cadaalad darro ah.

“Waxaa loo baahan yahay in halkaan lagu qabto shaqo cadaalad ah oo dadka Soomaaliyeed ku qanacsan yihiin wixii hoolkan Quruxda badan kasoo baxa, Wax micno ah inoo sameyn meyso in halkaan la-qurxiyo hadana kasoo baxaan xukuno Cadaalad darro ah” Sidaas waxaa sheeegay Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ee Dalka.

Hadda Hoolku waxaa uu u muuqaal egyahay sidda Maxkamadda Caalamiga ah u dhisan yihiin oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.