Gudoomiyaha Ruta ganacsiiga Goboka Banaadir oo lagu doortay magaalada Muqdisho .
Munaasibadaan oo aheyd mid dib lagu dooranayey gudoomiyaha ganacsatada Gobolka banaadir oo uu horey uga geerriyooday Cabdirashiid shire ilqeyte .
Waxaana Kulan balaaran oo lagu dooranayey iskuugu yimid qeybaha kala duwan ee ganacsatada gobolka Banaadir masuuliyiinta rugta ganacsiga xubno ka socday maamulka Gobolka banaadir masuuliyiinta ka socotay dowlada fadaraalka waxgarad culumaaudiin siyaasiyiin ururada haweenka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hotel dayax ee magaalada Muqdsiho .
Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir Ganacsade Ismaaciil Gooni ayaa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyey ujeed kulanka iyo danta laga leeyahay wuxuuna xusay in dhismaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir uu ka banana yahay hal boos
Kulanka ayaa dirada lagu saayey sidii loo heli ganacsade aqoon iyo karti u leh oo Xubintaa buuxin kara waxaana falan qeyn iyo dood dheer ka dib cod gacan tag ah lagu doortay in uu noqdo gudoomiyaha rugta ganacsatada bobolka banaadir Cali Xuseen Ibraahin ( Cali Koboqori )
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa oo munaasibada ka soo jeediyey hadalo iskuugu jiray dardaaran iyo mahadcelin wuxuuna ka sheekeeyey taariikhda ganacsi ee uu leeyahay Cali kaba qoro oo uu sheegey in uu yahay nin u qalma kana soo bixci kara xilka gudoomiye nimada rugta ganacsatada Gobolka Banaadir
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Imaan Nuur iikar ayaa doorashada ku tilmaamay talaabo weyn oo ay qaadeen rugta ganasatada Gobolka Banaadir wuxuuna u hanbalyey gudoomiyaha Cusub Cali kaba Qori
Gudoomiyaha Cusub ee la doortay ayaa u mahadceliyey wuxuuna xusay in uu howshaas halkeeda ka sii wadi doono
Ugu danbeyntiina Xooghaayaha rugta ganacsiga iyo warshadaha dowlada fadaralka Somaliya Abuukar dahiye oo mahadcelin iyo hanbal ka ka dib sheegay in ay sharaf weyn u tahay qaabka loo doortay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka banaadir wuxuuna xusay in rugtu tahay halka kulmisa ganacsatada iyo warshadleyda dalka
“dowlada somaliya doorashadaan wixii ka danbeeya waxay u aqoonsan tahay gudoomiyaha Rugta Gansatada Gobolka banaadir Cali Xuseen Ibraahi ( Cali kaba Qori ayuu hadalkiisa ku soo xirey
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0