Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee maamulka iyo maaliyada gobalka banaadir Abdulkadir Mohamed Mohamud (Caana Boore) ayaa xafiiskiisa ku shir gudoomiyay shir looga hadlayay halka ay marayaan mashaariicda ay siinayeen hay’adaha UNDP iyo UN Habitat 0o uu ka mid yahay mashruuca dibu dajin oo guryeeyn ka gacan loogu samaynayo ilaa 300 qooys oo ka mid ah Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirka looga wada hadlay xarunta kobcinta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo ah Xarun lagu tababaro dadka ganacsatada cusub ee doonaya in ganacsigoodu guulaysto sidii xaruntaasi loo balaarin lahaa si ay u sii wado hawlaha kobcinta ganacsiga. Shirkan waxaa gudoomiyaha ku wehliyay xubnaha kala ah 1. Laura Rio oo ka socday UNDP 2. Sophos Sophianos oo ka socday UNHABITAT 3. Mohiadin Mohamud oo ka socday UN HABITAT 4. Karshe oo ka socday BRA 5. Abdulkadir Dalxa oo ka socday BRA Waxeyna isla garteen mas’uuliyiintii ka socday UNDP iyo HABITAT in la xoojiyo Wada shaqaynta iyo daadajinta hawlaha ay kala shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir.