Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo ka hor hadlayay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kasoo horjeestay qodobada qaar ee kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyuhu in Madaxda Dowlad goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin nooca ay noqoneyso doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka,hayeeshee Go’aan ka gaarista ay leeyihiin Baarlamaanka.
Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la galo doorasho dadbadan,iyada oo Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciga doorashooyinka oo dhigaya in la qabto doorasho qof iyo Cod ah.
Hadalka guddoomiyaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa u muuqda mid si cad uga hor imaanaya qorsha Madaxda Dowlad goboleedyada ay ku sheegeen in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof & Cod ah,hayeeshee loo baahan yahay in laga wada tashado sida ay noqoneyso.