Gudoomiyaha gobolka Sh.Hoose Ibraahim Najax ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii deegaanka Jazeera Cismaan Maxamed Nuur, isagoo xilkaasina shaqsi kale u magacaabay.
Maxamed Yuusuf (Maxamed Yare) oo ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Kaxda ayaa loo magacaabay xilka gudoomiyaha cusub ee deegaanka Jazeera, iyadoo la faray inuu deg deg xilka ula wareego.
Mr. Najax ayaa magacaabistan sameeyay kadib markii uu la tashaday gudoomiye kuxigeenada gobolka, Siyaasiyiinta deegaanka, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybeheeda kala duwan.
Deegaanka Jazeera oo maamul ahaan hoostagta degmada Afgooye ayaa ah meel mudooyinkii la soo dhaafay aad u dhismeysay, waxeyna kamid tahay meelaha dhalinyarada u dalxiisaan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha oo shaqooyinka iyo waxbarashada laga nasto.