Home Afsomali Haweeney da’ ah oo tartan ka qeyb gashay si ay u badbaadiso...

Haweeney da’ ah oo tartan ka qeyb gashay si ay u badbaadiso nolosha seygeeda

Haweeney u dhalatay dalka Hindiya, laguna magacaabo Lata Kare ayaa ka qeyb qaadatay tartan aysan u arkin in uu yahay ciyaar lacag lagu heli karo, waxna ka badeli kara nolosheeda.

Kare oo katirsan qoys sabool ah waxaa ka xanuunsaday seygeeda, mana aysan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka ku baxaya baaritanaada caafimaadka ee MRI ee seygeeda, si loo ogaado xanuunka haya.

Haweeneydan ayaa markii ay xaaladda ku xumaatay waxaa ay ka qeybgashay tartn orod, si ay ugu guuleysato abaalmarin, ka dibna ay u hesho lacag ay ku daweyso seygeeda oo xanuunsan aannan kici karin.

Dadka ku nool tuuladii ay deganeyd ayaa u sheegay in uu jiro tartan orod ah oo qofkii ka qeybgala kuna guuleysta uu heli doono lacag.

“Lacagta aan u baahnaa si aan seygeeda u daweeyo waxay ahayd 70 doolar, waxayna dadka igu dhiirageliyeen in aan ka qeybqaato tartanka orodka”, ayay tiri Kare oo la hadashay BBC-da.

Waxa ay sheegtay in lacagta tartanka haddii ay ku guuleysato ay ku daweyn karto seygeeda, waxayna go’aansatay in ay ka qeybgasho tartanka.

Inta aysan ka qeybgelin tartanka waxay sameysay tijaabooyin badan oo orod ah, si ay ugu diyaar garowdo, waxayna sheegtay in dadka ay kala kulantay diiragelin ah in ay ku guuleysan karto.

“Ma ogeyn in tartanka orodka uu yahay isboorti, waxaa la ii oggolaaday in aan ka qeyb qaato, kabihii aan xirnaa ayaa iga baxay, waan siibay, ka dibna orodkeyga ayaa sii watay, waxaana iga go’neyd in aan orodka sii wato”, ayay sii raacisay.

Dadkii kale ee daawanayay tartanka ayaa sacbiyay Kare intii ay ku guda jirtay orodka, kuwaas oo aad ula dhacsanaa sida ay tartanka orodka ugu dhiiratay iyadoo da’ ah, waxayna sheegtay in markii ay dhawayd xariiqinta kama dambeysta ay maqashay sawaxan iyo dadkii oo aad ugu faraxsan heerka aan gaaray.

Haweneydan ayaa markii dambe ku guuleysatay tartanka, waxaana orodkaas noqday tartankii badelay noolasheeda.

Wixii intaa ka dambeeyay, Kare waxay ka qeybgashay tartanno badan oo orod ah, waxay ku guuleysatay abaalmarino kala duwan, waxaana ay caan ka noqotay gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.