Home Afsomali Haweeneydii fulisay qaraxii Istanbul iyo dad kale oo xabsiga loo taxaabay (...

Haweeneydii fulisay qaraxii Istanbul iyo dad kale oo xabsiga loo taxaabay ( DAAWO SAWIRADA )

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay mintidiinta Kurdiyiinta inay ka dambeeyaan qarax ay lix qof ku dhinteen oo ka dhacay waddada ganacsiga ee Istanbul, waxayna sheegtay in booliisku ay xireen 22 qof oo uu ku jiro qofka looga shakisan yahay inuu qaraxaas maleegay.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa sheegay in kooxda Kurdistan Workers Party (PKK) iyo maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, oo Ankara ay sheegtay in ay yihiin garab ka mid ah PKK, ay mas’uul ka ahaayeen weerarkii ka dhacay waddada taariikhiga ah ee Istiklal axaddii.

 

Soylu waxa uu sheegay in amarkan laga bixiyay Kobani, isla markaana uu soo maray Afrin – labada magaalo ee ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ay ciidamada Turkigu sannadihii u dambeeyay ka fuliyeen hawlgallo ka dhan ah YPG.

 

Haweenayda looga shakisan yahay iney fulisay qaraxan ayaa la xiray, Booliska ayaana u adeegsaday Ey si ay u baaraan gurigeeda waxayna ka heleen dahab, lacag iyo rasaas.

Lix muwaadin oo Turki ah oo ay ku jiraan wiil yar iyo aabihiis ayaa lagu dilay weerarka. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda.

Warbixinadii hore ee talefishinka TRT waxay soo bandhigay sawiro qof, oo u muuqday dumar ah oo oo boorso dhigaysa goobta qaraxu ka dhacay ka dib markii ay qabatay camera CCTV ah oo halkaas ku xirneyd.

Weerarkan ayaa dhaliyay walaac laga qabo in Turkiga ay ku dhuftaan dhacdooyin badan ka hor doorashooyinka kacsan ee la qorsheeyay inay dhacaan Juun 2023.

Previous articleXildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed oo Parlamanka Soomaaliya ku matalaya Shirka Baarlamaanka Adduunka IPU
Next articleSEVENTEEN PRISONERS ON THE RUN AFTER COMOROS ISLANDS PRISON BREAK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.