Home Afsomali hey.adda nabadsugida oo faahfaahin ka bixisay weerarkii xeebta liido

hey.adda nabadsugida oo faahfaahin ka bixisay weerarkii xeebta liido

Taliyaha hogaanka nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ayaa  faahfaahin ka bixiyey weerar lagu qaaday hoteelo ku yaal xeebta lldo ee magaalada Muqidsho .

Weerarka oo ahaa mid qorsheysanaa ayaa  isugu jira Qaraxyo iyo rasaas dabasocotay ay ku qaadeen Rag ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha hey.ada nabadsugida qaranka janaraal Cabdulaahi gaafow Maxamuud ayaa sheegay in ay weerarka ka warhayeen isla markaana kooxda ay is garan waayeen sidaana qorshihii ay lahaayeen u dhicin sidii ay doonayeen .

Janaraal gaafow ayaa sidoo kale shaaciyay in mid kamid ah kooxdii weerarka Soo Qaaday gacanta lagu hayo isagoo dhaawac ah, iminkana la dabiibayo.

Gaafow ayaa xaqiijiyey inta ku dhimatay weerarka lagu qaaday maqaayada banaadir  beach ay ku nafwaayeen sagaal qof oo isugu jira rayid iyo qaar ka mid ahaa ciiidamadii howgalka ka qeybta ka haa balse tirade intaa ka badan karto

1 COMMENT

  1. Kolba anigu ma fahmi karo erayada mar kasta lagu celceliyo ee ah”waan ka Warhaynay weerarka”iyo waxaan tacsi u direynaa dadka ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.