Home Afsomali Hindiya Maxaabiis Somali ah oo la xakumay iyo Kuwa kale oo sabtida...

Hindiya Maxaabiis Somali ah oo la xakumay iyo Kuwa kale oo sabtida maxkamad la saarayo

15 Maxbuus oo ka mid ah 118 – ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai oo aanhadda joogo ayaa maanta ay Maxkamadi ku ridday xukun.

15 – ka maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

Waxay hore u xirnaayeen min 6 sano iyo bar. Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ka harsan tahay 6 bilood ooxarig ah.

Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn.

Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa in aan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanuu saameyneyn heshiisku.

Aniga iyo wafdigeyga iyo safaaradda oo kaashaneyna Qareenka maxaabbiista oo ay dhalashadiisu Indian tahay, waxaan ka shaqeyneynaa tabtii ay ku suurta geli lahayd in 15-kan maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono.

Kooxda xigta ee Maxaabbiista ah waxaa xukunku ku dhici doonaa maalinta Sabtida ah.

Xabsiga oo maanta aan soo booqannay, wixii aan kale kulannay qormo kale ayaan ku soo gudbin doonaa.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

Previous articleVIDEO Duuliye Asli Xasan Cabaade oo deeq lacageed gaarsiisay Naafada XDS ee Martiini (DAAWO SAWIRADA)
Next articleXaalku waxuu marayaa kharashkii abaaraha loo ururiyay yaradeene kaniisadaha soo wada iyagaa dhaqaale xoogan hayee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.