Home Afsomali Hirshabelle wasiir is casilay iyo duqii baladweyne oo shaqo joojin lagu sameeyey

Hirshabelle wasiir is casilay iyo duqii baladweyne oo shaqo joojin lagu sameeyey

Wararka laga helayo Maamulka goboleedka  Hirshabelle ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle

Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda  Garaad Axmed Cadow ayaa sheegay in uu iska casilay xilka uu kahaayay maamulka hirshabeele.

Waxa uu tilmaamay agaasimaha in Laba wasiir ay soo martay wasaaradda, islamarkaana uu la shaqeeyay, balse dhammaantood ay ahaayeen kuwo aan aqoon u lahayn shaqada loo igmaday waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan iscasilay markii aan waayay Wasiiro aqoon leh oo aan la Shaqeeyo,aniga waxaan u soo jeediyay talooyin dhowr ah balse weey iga qaadan waayeen,waxana go’aansaday in aan is casilo ayuu yiri  Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow”

Sikastaba tallaaabdaan uu isku casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow ayaa ku soo aadeysa xili Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle uu Shaqa joojin ku sameeyey Duqii degmada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.