Home Afsomali Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey AS jogta Gobolka Mudug

Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey AS jogta Gobolka Mudug

Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug.
Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.
Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay horjoogaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.