Home Afsomali Hormuud Foundation iyo Salaam bank oo deeq lacag ah gaarsiiyay 200 oo...

Hormuud Foundation iyo Salaam bank oo deeq lacag ah gaarsiiyay 200 oo qoys oo dan yar ah ( DAAWO SAWIRADA )

Ilaa 200  oo ruux oo isugu jira haween iyo rag ayaa kafa’ideestay deeq gargaar lacageed oo maanta hormuud foundation iyo salaam bank ay gaarsiiyeen dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo lagasoo dhex xulay kaamam kuyaala magaalada muqdisho

Munaasabad lagu qeybinayay deeqda oo kadhacday xarunta dhalin yarada gobolka banaadir oo  ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka iyo haweenka gobolka banaadir ayna goob joog ka ahayeen xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka ah ee Somalia ayaa ugu horeen waxaa daah furay Rowda Xaashi Yuusuf oo ah xubin katirsan wazaarada hameenka.

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir mudane Abdi Kaafi Mohamud Makaran iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir baarqab iyo xildhibaanad caasha koos oo iyaguna goobta kahadlay  ayaa ku amaanay dowrka Hormuud Foundation iyo Salaam Bak ay uga jiraan bulshada iyaga oo uga mahad celiyay sida mar waliba ay caawinaada ula garab taaganyihiin dadka danta yar.

Madaxa Hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb kayahay barnaamij taxana ah ay soo wadeen hormuud foundation iyo salaam bank taasi oo ay ku caawinayeen dadka danta yar maadama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan isagoo ugu baaqay shacabiga soomaaliyeed in ay iscaawiyaan

dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa dhinocooda kamahad celiyay gargaarka manta ay soo gaarsiiyeen hormuud founfatoun iyo salaam bank iyagoo sheegay in wax badan nooshooda ay kataridoonto xiligii ay ubaahnaayeena ay kusoo aaday maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.