Shirkadda Hormuud Telecom qeybteeda Gargaarka ee Hormuud Foundation ayaa gelinkii dambe ee shalay Deeq Lacageed gaarsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Msuuliyiinta Hormuud Telecom iyo Hormuud Foundation ayaa mid mid u guddoonsiiyay Bukaanadii ku soo waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo bukaanada kale Min 100 dollar oo kaash ah.
Maamulka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa deeq lacageed gaarsiiyay bukaanada qaba dhaawacyadda ee ku jira isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho,
Cabdiraxmaan ibraahim Cilmi Macalin Kobaca oo ka mid ah Madaxda Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa isaga oo ku sugan isbitaal madiino sheegay in qof walba oo bukaan ah oo ku jira isbitaalka ay sinayaan lacag baqol doolar ah oo shirkada ugu tala gashay waxa uuna intaas ku daray in labo maalmood gaadiidka dab damiska shirkada ay ku mashquul sanayeen daminta dad uu sababay qaraxii ka dhacay isgooyska soobe.
Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi Macalin Kobaca oo la hadlay Saxaafadda aya sheegay in tan iyo markii uu dhacay qaraxii sabtidii ay Hormuud ku howlaneed howlo dab damis ah maantana ay bilowday gurmad deeq lacageed ah oo ay ugu tala gashay Bukaanada.
Deeqda Lacageed ee Hormuud Foundation ay gaarsiisay Bukaandaasi Soomaliyeed kuwaas oo ku soo wax yeeloobay qarixii xooga badnaa ee zoobe.
Shirkadda Hormuud Telecom ayaa had iyo jeer kala qeyb qaadata Bulsha weynta Soomaaliyeed hadba daruufaha ay ku nool yihiin.
Waxaana si ay u dar dar geliso kaalmadeeda Beni’aadanimo u sameysay Hay’ad lagu Magacaabo Hormuud Foundation oo marar badan deeqo gaarsiisay dadka u baahan in loo gar gaaro.