Home Afsomali HORMUUD SALAAM FOUNDATION AYAA UGU $200,000 (LABA BOQOL KUN DOLLAR) UGU DEEQDEY...

HORMUUD SALAAM FOUNDATION AYAA UGU $200,000 (LABA BOQOL KUN DOLLAR) UGU DEEQDEY DADKII LAGA SOO BARAKICYAY MAGAALADA LAASCAANOOD. ( DAAWO SAWIRADA )

HORMUUD SALAAM FOUNDATION AYAA UGU $200,000 (LABA BOQOL KUN DOLLAR) UGU DEEQDEY DADKII LAGA SOO BARAKICYAY MAGAALADA LAASCAANOOD.

Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta bulshada shirkadda Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank, ayaa maanta ugu deeqday lacag dhan $200,000 (laba boqol kun dollar) dadkii dhawaantaan laga soo barakiciyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,

Munaasabad deeqdaas lagu shaacinayey ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Hormuud Telecom, mudane Ahmed Mohamud Yuusuf, ayaa sheegey in deeqdaan ay tahay wejigii ugu horeeyey oo aay ku caawinayaan qoysas laga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, wuxuuna uga tacsiyeeyey dhibaatada soo gaartey dadkaa iyaga ah.

Gudoomiyaha Hormuud Telecom, ayaa faray Gudoomiyaha Hey’adda Hormuud Salaam Foundation, inuu ka shaqeeyo in lacagtaas gargaarka ah  si deg deg loo gaarsiiyo dadkaas dhibaateysan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdulahi Nuur Cismaan oo asigana goobta ka hadlay ayaa balan qaaday in lacagtaas gargaarka iyo gurmadka ah ay sida ugu dhaqasaha badan u gaarsiin doonaan qoysaskaas lasoo barakiciyay ee ay dhibaatada kasoo gaartey barakicintaas.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa u rajeeyey qoysaskaas in ilaaheey uu u barakeeyo lacagtaas gargaarka ah ee ka timid Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.