Home Afsomali Hoteelada Magalada Burco oo lagu amray in ay diidaan munaasibadaha muusiga iyo...

Hoteelada Magalada Burco oo lagu amray in ay diidaan munaasibadaha muusiga iyo arimo kale

Xukuumadda Soomaaliland ayaa waxaa ay amaro kala duwan kusoo rogtay Hoteelada ku yaal magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, kuwaas oo la faray inay amaradaas si deg deg ah ku qaataan.

Warsaxafadeed kasoo baxday wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco iyo guddida wanaag farista Burco, ayaa waxaa lagu amray Hoteelada Magalada Burco in an lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo

laga bilaabo 30 ka bishan hoteelada Burco lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo, waxa la farayaa hoteelada Burco in ay joojiyaan dhamaan wixii ka hor imaanaya shareecada Islaamka, waxana nu samaynay dhaqangalka amarkan cid daba gasha” ayaa lagu War-Saxaafadeedka.

Amarada kasoo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco eek u socda Hoteelada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah.

1-In horumar lagu sheego wax alle iyo rasuul(CSW)inoo diideen waa ku dhiirasho denbi.-

2-Wadanku waa muslim,islaanimadu qofka waxbay faraysaa waxna waa ka reebaysaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.