Home Afsomali Howlgallo dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Xaafado katirsan Muqdisho

Howlgallo dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Xaafado katirsan Muqdisho

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo kala duwan waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmooyinka Wartanabadda iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo Amniga lagu xaqiijinayay, Isla markaana looga hortagayay kuwa falalka Amni darro geysta, sida dilalka, dhaca dadka Shacabka ah iyo Ciyaal weerada oo Shacabka Muqdisho qaarkood ay qaati ka taagan yihiin.

Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan & Guryaha qaarkood, waxaana lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo badi la siidaayay, waxaana saraakiisha Ciidamada ay kula dardaarmeen dadkii howlgallada lagu soo aruuriyay inay laamaha Amniga la Shaqeeyaan.

Sidoo kale Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadayaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga guud ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xumaaday Amniga Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhacay weeraro toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.