Home Afsomali Howlihii Xildhibaanda Golaha Baarlamaanka oo dib u bilaabanaya

Howlihii Xildhibaanda Golaha Baarlamaanka oo dib u bilaabanaya

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa in daah-furo Kalfadhiyada lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maanta oo arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la la filayaa inuu khudbad xasaasi ah ka jeediyo madasha, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana la filayaa in uu madaxweynaha uu khudbadiisa kaga hadlo arrimo badan.

Kalfadhiga lixaad ayaa maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo kalfadhiga lagu casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.