Home Afsomali Full VIDEO Habmaamuuska madaxtooyo Villa Somalia

Full VIDEO Habmaamuuska madaxtooyo Villa Somalia

Maxaa ka socda Villa Somalia

Madaxtooyada Qaranka waxaa ku qabsoontay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayo hawl wadeennada Hab-maamuuska Madaxtooyada oo tababar muddo u soconayey uu u soo gaba-gaboobay.

Agaasimaha Hab-maamuuska Mudane Cabdi Cumar Cali ayaa xusay ahmiyadda ay shaqaalaha Hab-maamuuska u leeyihiin taba-barrada joogtada ah ee la siiyo. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyey Safiir Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo aqoonta durugsan iyo waayo aragnimada uu u leeyahay maaddada hab-maamuuska u gudbiyey shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali “Baqdaadi”, kusimaha Agaasimaha Guud mudane Cabdillaahi Sh. Cabdikariin iyo Safiir hore Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo isagu tababarka hawl-wadeenka Hab-maamuuska gudbiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.