Home Afsomali Ibraahim Iimaan oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya...

Ibraahim Iimaan oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo hubeysan oon wali heebtooda la garan ayaa xalay xaafada Gubta ee degmada Dayniile ku dilay nin qurbojoog ahaa oo muddooyinkii dambe kunoolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeysan ayaa gurigiisa hortiisa xalay ku toogtay Ibraahim Iman oo loo yaqaan (Dibad), kooxda dilka geesatay ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, ciidamada oo halkaasi ka sameeyay baaritaanno kooban ayaan ku guuleysan in ay soo qabtaan kooxdii dilka geesatay oo la sheegay in ay mooto ku baxsadeen.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in isaga iyo carruurtiisa kasoo guureen dalka Ingiriiska oo ay degnaayeen, waxaana la sheegay in marxuumka ahaa aqoonyahan jaamacad uga baxay dalka Ingiriiska uu kunoolaa.

Dilkan ayaaan la ogeyn in ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah iyo inkale, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkan, laamaha ammaanka ayaana dhankooda ka hadlin dilkan xalay ka dhacay degmada Dayniile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.