Igu sawirta aan ficil la jirin meelo orodkiinna
Awal buu qawaday oo shacbigu la amakaageene
Haddii uu Amxaar wacad qabaa qayb arligi boobay
Misna ay Imaaraat dhulkii kula aqoolayso
Odayadi ku soo baxay kolkii aano loo tiriyay
Ee ammuuri ay miliqsantoo loo ur bixin waayay
Maantana Uhura uu geyigi saami naga ootay
Islaammaa horjoogiyo intaa ubadya waayeele
Intaasoo dhacaysaan la maqal erayga kaagaahe
Inaad aamustaa wacadalloon loo asbaab haline
Haddii adan in kale noo tareyn aah! ma kari wayday
Arji iyo qoraal iyo xitaa ma astakoon wayday!!!?