Home Afsomali Ilaaladi Cabdi weli Gaas oo qaarkood Garoonka Muqdisho lagu xirey

Ilaaladi Cabdi weli Gaas oo qaarkood Garoonka Muqdisho lagu xirey

Askar Puntland

laalada Hogaamiyaha Puntland ee xafiltanka siyaasadeed kula jira Hogaamiyaha Galmudug  C/kariin Xuseen guuleed ayaa maanta ka soo dagay garoonka magaalada Muqdisho, waxaana qaar ka mid ah ilaaladiisa xabsiga u taxaabay saraakiisha ilaalada Garoonka Muqdisho.

Ilaalada Hogaamiyaha Puntland ee maciin biday in uu sharciga hareer maro maadaama saraakiisha amaanka ee garoonka Muqdisho ay Noo xaqiijiyeen in uu ilaalo ahaan u soo wadan karo ilaa 8 askari ayaa maanta waxa uu horay u soo watay ilaa 20- ilaalo ah taasi oo ay aad uga caroodeen Ilaaladdii iyo saraakiishii garoonka Muqdisho, kadib ayaga oo qal Qal galiyay rakaabkii garoonka ka duulayay  iyo saraakiil ka tirsan UN-ka oo halkaasi ka duulayay iyo kuwa ka soo dagayay.

waxaan kala garan waynay Hogaamiye Gaas siday wax ka yihiin caafimaad ahaan garoonka Muqdisho maahan xaafad ku taal Garowe, Mas’uul kasta ilaalada la socota waa uu ku soo war galiyaa saraakiisha  garoonka Muqdisho, laakiin hadaan u dhaqano sida in aan u socono xaafad waa dhibaato inteeda la eg”ayuu yiri sarkaalkan oo la hadlay Bogan.

“ Garoonkii dhamaa Qeybta Vip-ee la fadhiisto ilaa Hoolkii ay shacabka joogeen ayay waxa la safteen AK47- marka garoonku maahan garoon Reer leeyahay ama garoon shaqsi uu leeyahay, waxaan soo kacnaa 6 subaxii waxaan shaqada ka baxnaa 6 habeenimo, marka Gaas waxaan kala garan waynay in uu caafimaad qabo iyo in kale”ayuu mar kale si kulul u Yiri sarkaalkan.

“ afar ka mid ah ilaalada ayaa qadar 30 daqiiqo ah la xiray kadibna waala sii daayay, waa dhalinayro kala garan la qaranka iyo qabiilka,  Boowe saas maahan ayay hadalka kaaga bilaabayaan, waaba Niman af soomaaliga illaah ku dhibay”ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale arintaan ayaa waxaa soo fara galiyay  Gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Soomaaliya cawad xashari iyo wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo markii danbe dhameeyay arintaan, waxaana qadka taleefanka kala soo hadlay saraakiisha garoonka raisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Raisal wasaaraha soomaaliya C/wali gaas ayaa qadka Taleefanka waxa uu kula hadlay saraakiish amaanka Garoonka Muqdisho, waxaana markii danbe arinta ay ku soo Noqotay qadar saacad ah kadib caadi.

Arintaan ayaa soo Noq noqotay waxaana tani ay Tusaale u Noqon doontaa in Maleeshiyaadka  Puntland aysan mar danbe la soo shir tagin shacabka Soomaaliyeed wax dhibaya.

 

5 COMMENTS

  1. Magaca somalisan waad ku been abuuradeen hoosta waxaad ka huwantihiin reer hebal taasina sharaf ku yeelanmaysaan ee umadda beenta ka daaya oo Somali ha idiin sinnaato

Leave a Reply to Cismaan Qayliye Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.