Home Afsomali Imaaraadka Carabta oo marti galisay Shir ka dhan ah lana doonayo in...

Imaaraadka Carabta oo marti galisay Shir ka dhan ah lana doonayo in lagu burburiyo Dowlada nabad iyo nolo

Magaaladda Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta waxaa ku shirsan qaar kamid ah mucaaradka Dowladda Somaliya, Xildhibaano iyo Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka kuwaasi oo ka qeyb galaya shir ka dhan ah dowladda Soomaliya.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Sheekh aadan, Siyaasiyiin, iyo tiro Xildhibaano ah oo ku dhow labaatameeyo.

Sidoo kale shirkaan ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan Madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada iyo Xildhibaano, waxaana shirar kale oo daba socda midka Imaaraadka Carabta ay Xildhibaano ku leeyihiin magaalada Nairobi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa shirkaan diiradda lagu saari doonaa dacwado lagu soo oogay  Xildhibaano dhowr ah oo ay ku eedeysay Dowladda Qaran dumis iyo inay u adeegayaan dowlado shisheeye, iyo xarigii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxaa sii xoogeystay mudooyinkii dambe shirarka ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliya ee ka dhacaya gudaha dalka iyo dibadiisa,iyadoo dowladda imaaraadka Carabta ay maalgalinayso qaar kamid ah mucaaradka dowladda.

Previous articleHeyad Talyaaniga lag aleeyahay oo toosh ku ifisay jasiiradaha Carabta ee midoobay United arab emirates dalbatayna in ay isaga baxdo somalia joojisana fara galinta ay ku heyso
Next articleWar deg deg ah Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Sare oo gudaha u galay Guriga uu Muqdisho ka dagn yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.