Home Afsomali In ka badan Afar qof ku dhintay Dagaal ka dhacay Meel raashin...

In ka badan Afar qof ku dhintay Dagaal ka dhacay Meel raashin lagu qeybinaayay oo ku taalla Baydhabo

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay in kabadan 11 kalane waa ay ku dhaawacmayn Dagaal Maanta Ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybtooda Koofur Galbeed ku dhax-maray meel dad barakacayaal ah Raashin gargaar ah loogu qeybinaayay oo ku taalla Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Goob joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in toogashadan ku dhinteen ilaa Lix ruux halka 9 kalana ay ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa dhacay kaddib is rasaasayn dhexmartay qaar ka mid ah ciidamada amniga maamulka K/galbeed oo goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda ma cadda waxa khilaafku ka dhashay iyadoo wararka qaar sheegayaan in dhinac ka mid ah dhinaca is rasaaseeyey loo diiday in ay gallaan xerada barakacayaasha oo raashin lagu qaybinayey.

Bishii Ina dhaaftay ayeey aheyd markii sidan oo kale qof hubeysan degmada Caabud-waaq toogasho ku dilay Lix ruux oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka abaarta ka soo barakacay oo waqtigaa raashin loo qeybinayay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.