Home Afsomali Injiner yariisow Dakada Muqdisho waxaa maamulka cusub ka soo xareeyey Cashuur laba...

Injiner yariisow Dakada Muqdisho waxaa maamulka cusub ka soo xareeyey Cashuur laba maalmood lacag ciidanka Mushaar ahaan loo siin karo Maamlmii horana waxay ahaayeen …..

Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in lacag aan la fileyn oo dheeraad ah ay ka soo xerootay cashuurta Qaadka kadib markii isbedel lagu sameeyay saraakiishii

wasaaradda Maaliyadda.

Laba maalmood ay oo ay howlgaleen saraakiisha cusub ee la magacaabay ayaa la sheegay inay soo xareeyeen lacag canshuurta Qaadka ah oo dheeraad ah, taasoo

gaareysa $34,000 ($17,000 maalintii).

 

Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdaan wasiiro dhowr ah ayaa maanta booqday Dekadda iyo Garoonka Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan saraakiisha maamulka cusub ee

canshuuraha wasaaradda Maaliyadda, waxaana arrintan ka dhalatay su’aal ah cidda qaadan jirtay lacagtan.

 

“Maanta oo aan booqanay Furdada gegida dayuuradaha ee Adde Adde ayaan dhiirigelinay saraakiisha Furdada ee Wasaarada Maaliyada oo suurtogeliyey in maamulka cusub oo labo cisho joogo inuu ururiyey canshuur ka badan $ 130,000 oo ka muuqda koror $34,000 oo labo cisho lagu badbaadiyey,  lacagta baaqatay labo

cisho waxey bishii noqon kartaa $510,000.00 oo in ka badan 5000 ciidan mushaar

lagu siin karay” ayuu ku faanay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan yariisow oo intaas ku daray in Musuqmaasuqa uu la degey dalka.

Saraakiisha xilalka laga qaaday ee Furdada iyo Garoonka Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ku xiddideystay ilaha dhaqaalaha dalka oo si toos ah

u maamulan jiray, hanti badanna ka yeeshay iyaga mas’uuliyiin kula shirko ahaa.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.