Home Afsomali israel oo Emaaraadka ku cadaadineyso in ay dowlad u aqoonsato Somaliland

israel oo Emaaraadka ku cadaadineyso in ay dowlad u aqoonsato Somaliland

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa dib u habeeyn iyo qalabeyn ku sameysay Safaarad la sheegay in dhawaan ay magaalada Abu Dabai uga furtay maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka carabta oo u muuqata mid siyaabo kala duwan uga jawaabeysa khilaafka kala dhexeeya dowlada Somalia, ayaa maamulka Somaliland garab kusiisay dib u habeynta Safaarada.

Dowlada Imaaraadka ayaa la sheegay in Safaarada Somaliland ay ku dajiso qorshooyinka lagu carqaladeeyo arrimaha dowlada Federaalka, waxaana xusid mudan in Safaarada ay tahay mid iminka daha laga rogay.

Dowlada Imaaraadka carabta oo aad uga soo horjeeda Hormarada Somalia, ayaa adeegsaneysa maamulka Somaliland oo ay u muuqato xal u helida gooni isku tag sanado badan lagu riyooday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa dhawaan sheegay in Imaaraadka uusan xiriir la laheyn Somaliland.

Qarqaash waxa uu dafiray in Imaaraadka carabta ay dhaqaale xoogan ku bixiso Somaliland si ay uga fushtaan danahooda, waxa uuna meesha ka saaray in Somaliland ay aqoonsan yihiin.

Beeninta Qarqaash waxaa kamid aheyd inaanu Somaliland Safaarad ku laheyn Imaaraadka, halka iyaguna aanu jirin wax Xarun Qunsuliyad ay ku leeyihiin Somaliland.

Tani waxa ay banaanka soo dhigeysaa in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ku hadleyso laba af, waxaana xusid mudan in magaalada Abuu Dabai ay ku taallo Safaarad yar oo ay leedahay maamulka Somaliland, isla markaana ay fangareyso Imaaraadka.

Dadka arimaha caalamka indh indheeya waxay Ka dharagsan yihiin arinta Emaaraadku ay xaga danbe kaga daaban tahay israil oo ah CadowlgaCadowga dadyowga islaamka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.