Home Afsomali jabhada TPLF oo digniin kama dambeys ah u dirtay dowlada Ethiopia

jabhada TPLF oo digniin kama dambeys ah u dirtay dowlada Ethiopia

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa dowlada Itoobiya ku eedeeyey iney xanibaad iyo cuno qabateyn ku heyso shacabka gobolka Tigray

Warqad dheer oo uu u diray Golaha amaanka ee QM ayuu ku sheegay in Shacabka Tigray ay maalin walba u dhintaan baahi iyo macluul

Debretsion Gebremichael ayaa xusay in dowlada Itoobiya aysan waxba ka qaban oo ay iska daawaneyso dhibaatooyinka ka jira gobolka Tigraym Wuxuuna tilmaamay in dulqaadkii uu ka dhamaaday.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay talaabo adag qaadi doonaan, aysana iska fadhin doonin shacabkooda oo gaajo u dhamaanaya.

Dowlada Itoobiya ayaa weli go’doon cirka iyo dhulkaba ku heysa gobolka Tigray, marka laga reebo gargaar aan badneyn oo QM ay halkaas geysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.