Dhageyso Codka Shacabka 4 tiisano ee ay xilka hayeen geelii igu tuntay hal aan iraahdo majabto kuma jirto
Kuma farxin mana farin in uu Xildhibaan jawaari ku dhawaaqo inuu yahay Musharax u taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Waxaa isne ku dhawaaqay in uu yahay Murasharax u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka xildhibaan mahad Cawad
Waxaa la yiri qof aad soortay ee aan kaa socon iyo qof aad sugeysay oo aan soo socon wax ka daran malah
Shaqsiyaadka 4ta sano soo dhameystay waxay aheyd in ay kuraasta baneeeyaan oo la helo isbedel siyaasadeed oo bulshadu ku qanci karto balse ma jiro masuul ku qanacsan in ay dhamaatay 4tii sano ee uu xilka haayey
Waa ayaan daro in ay dib i-su-soo sharaxaan xildhbaanadii waqtigoodu dhamaday iyo masuuliyiintii ay la halmaalayeen kuwaas oo aanu ku jirin mid ay bulshadu u hanqal taageyso in uu ka mid noqdo xubnaha dowlada la fiayo uu soo galo marka laga soo tago Xoogaaga dhaqaalaha ah ee uu isku sharaxayo.
war waxaana ku leeyahay xitaa shaqaalihii xafiisyada ayaa soo taagan oo ku adkeysanaya in aanay dibada uga bixin beerta madaxtooyada.
ma jiraa masuul dowladeed oo ka tanaasulay in uu ka dago villa somaliya isaga oo dadkiisa dhinac ka raacaya
Isku soo wada duuboo waxa inoo soo socdaahi waa dowladii waqtigeedu dhamaaday oo weli soo mutaxan
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0