Home Faalo KALA BARO SAAXIIBKA WANAAGSAN IYO MIDKA XUN………?

KALA BARO SAAXIIBKA WANAAGSAN IYO MIDKA XUN………?

KALA BARO SAAXIIBKA WANAAGSAN IYO MIDKA XUN………?

Dal waliba adduunyada dal kale ayuu saaxiib la yahay taasina ceeb maahan waana dhacdaa dunida in la kala faaidaysto qaran waliba qaranka kale waxa uu ku dhaamo in lays dhaafsado dhibna kuma jiro balse waxaa dhibaato ah iyo sharaf beel in dal aadan waxba ka faaidayn in aad saaxiib ka dhigato ama aad calaaqaad la yeelato, soomaaliya waa dal kasoo kabanaya colaado sokeeye & dowlad la’aantii ku dhacday 1991, marka uma baahnin dal ama dalal doonayo inaan madaxa kor u qaadno, cadawna ku ah deganaashada, madaxbanaanida iyo xasiloonida soomaaliya.

Sida aan ognahay shacabka soomaaliyeedna ka warhayaan dowladnimada curdunka ah ee soomaaliya waxaa garab istaagay dowlado dhowr ah kuwaa oo naga caawinayay inaan soo ceshano qaranimadi haybadi, sharafti & karaamadi aan ku lahayn adduunkaan dowladahaasi waxay isugu jireen kuwo daris nala ah iyo kuwo aan deris wadaag ahaynba hayeeshee dhammaantood nooma wada sinayn noomana wada hagar bixin oo kuwo ayay ka ahayd qawda maqashii waxna ha u qaban.

Hadaan sheego kuwa ay ka ahayd shimbirayahow heesa waxaa kamid ah Ethiopia, Kenya & DJabuti mararka qaar waxay abaabuli jireen qabqablayaashi ama hogaamiye kooxeedyadi soomaliya isku haystay waxayna usoo gudbin jireen lacago, hub iyo rasaas middaasina ma qarsanayn oo waaba ku faani jireen hogaamiye xooxeedyadi soomaaliya gudaheeda ku dagaalami jiray, marwalbana waxaa looga yeeri jiray dalalkaas aan kor kusoo sheegay shirarna ugu qaban jiray dalalka dariska ah si colaada dhinacyada ishaya dab loogu sii shido burburka iyo deganaasho xumaduba usii baahaan.

Sidoo kale waxaa jiray dowlado aynaan deris ahayn oo iyaguna marwalba sheegi jiray inay soomaaliya waqti & dhaqaalaba ku bixiyeen dowlad-dhiska soomaaliya, dowladahaas hadaan sheego qaar kamid ah Iyana waxay ahaayeen; imaaraadka carabta, sacuudi carabiya, Qatar, kuwa kale oo carbeed maalin waliobana waxay sheegi jireen inay si wanaagsan noo garab istaageen, lamana arag hal mashruuc oo waxtar u leh ummada soomaaliyeed oo ay maalin ka fuliyeen dalkeena ama qaxooti soomaaliyeed oo ay maaalin magan galyo siiyeen dalalkooda.

Madaxweynaha turkiga Erdogan ayaa soomaaliya soo booqday markii ugu horaysay (2011) xiligaa oo uu ahaa raysalwasaaraha turkiga ahaa, booqashadiisu waxay timid kadib markii soomaaliya ku dhufatay abaar adag dad iyo duunyana dalkeenu uu haqsoobay, waxa uuna keenay gargaar uu ugu talagalay shacabka soomaaliyeed ee abaaruhu ku habsadeen waxa uuna ka dhiidhiyay dowlad la’aanta soomaaliya haysata caalamkana waxa uu udiray fariin adag oo taabanaysaa madaxda adduunka waxa uuna balanqaaday maalintaas in soomaaliya silacaan aysan kusii jiridoonin garab iyo gaashaana uu u noqon doono shacabka soomaaliyeed iyo dowladnimadoodaba, islamarkiba waxa uu dhagax dhigay mashaariic hormarineed sida airporka magaalada muqdishu, dekada, wadooyin & cusbitaalka digfeer waxaa kale uu shacab weynaha turkiga u diray fariin ay ku caawinayaan walaalahood soomaaliya shacabka turkiga ee aan walaalaha nahayna waxay noo garab istaageen si hagar la’aan ah waxayna iskasoo aruuriyeen dhaqaale aan inaba caadi ahayn abaaalna waan uga haynaa.

Kadib markey shacbka turkigu u doorteen in uu noqdo urdogan madaxweynaha dalka turkiga waxa uu kusoo laabtay dalka soomaaliya 2015 waxa uuna xariga kajaray mashaariicdi hore waxa uuna dhagax dhigay mashaariic kale oo ay kamid yihiin xarunta ciidamada turkisom, waxaa kale oo uu soo gaarsiiyay dowlada soomaaliya qalab ciidan, daawooyin, waxaa kale oo uu bilaabay in la derder geliyo dhib u dhiska ciidanka xooga dalka ee soomaaliya waxa uuna ku bixiyay dhaqaale xoogan in ay soomaaliya ka maaranto (amisom) iyo dowladaha deriskaba, daacadnimadaas iyo hagar la’aantaasi waxay keentay in dowlado badani usoo jeesteen soomaaliya oo aan awal usoo jeedin.

Waxaa kale oo bilawday hinaaso xoogan iyo caro ay qaadeen dowladaha deriska ah iyo kuwi carbeed ee beenta u sheegi jiray adduunka iyo soomaalidaba inay ka xumaadaan xiriirka turkiga iyio soomaaliya dhexmaray & daacadnimada turkigaba, waxayna bilaabeen inay hagar daamo iyo culaysyo nasaaraan si mneesha looga saaro dowlada turkiga loona dhabar jabiyo xasiloonida soomaaliya, Iyana dowladaha deriskaa waxay aad iyo aad uga xumaadeen in la dhiso ciidan soomaaliyeed oo tayo saro leh kuna qalabeysan hubka casriga ah waxay u arkeen halis kusoo wajahan maadaama laga maarmay ciidankoodi ay ku tiirsanayd soomaaliya.

Shacabka soomaaliyeed marnaba ma hilmaami doonaan garab istaagaas uu noo sameeyay dalka turkiga ee aan saaxiibka iyo walaalaha nahayba, waxaa kale oo ay shacabka soomaaliyeed qalbiyada ku hayaan dowladaha ka shaqeeyo dhibaatada soomaaliya maalin walibana ku foogan xadgudubka xiqdiga iyo dabandaabyada aan geedna loogu soo gaban.

Bowdada markii aan ka jabay iyo, boqonka taagiisa.
Habeenkiiba way bidhan lahaa, bahalka cawlaaye.

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni.
Raggii baarqabada ii qalqalay, beerka ka ogsooni.

Ninkii Beled shisheeye iga jiray, soona bixi waayay.
Ee inaan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni.

Ninkii burunji inuu iga cuno, ii bariidinayay.
Ee aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni.

Laxaad waa badhaadhee haduu, ii bogsado xoogu.
Haddii biixiyaha eebahay, kay isugu beego.
Abaal badan abaal badha abaal, bur iyo dheeraada.
Ninba kiisa kaan ugu bedali, beerka ka ogsooni.
(Abwaan xaaji gabay-xaddi).

Ugu dambeyn waxaan leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka fiirso dalalka aad saaxiibka moodo ee ka shaqeynayo lugooyada dibindaabyada qaranimada soomaaliya, gacanta midigna ku hayso dowlada turkiga ee aan walaalaha nahay ee noo gashay abaalkaas lama ilaawanka ah, kana laabo heshiis kasta oo aad la gashay malin cadawga ummada soomaaliyeed.

WQ: Ali Abdikadir Farah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.