Home Afsomali Warbixinta asbuuca iyo maxaa cusub oo aadan ogeyn

Warbixinta asbuuca iyo maxaa cusub oo aadan ogeyn

Duqu dadaalye daaqadaa looga soo dhacay
Somaligu markuu xumaado waxaa ka soo hadha in aadamaha kale kor u fiiriyaan. Saaxibkay macalinkii intuu tagay ee somalidu sidii lodii gadooday shaqsi ka dhiifoon kana dhuux fiican Mw Hassan sheikh dhaayuhu ma qaban. Geedka uu ku xidhay cadhiin cunayaasha waxay u noqotay guul taariikhiya. Caydhiin cunashuna waxay liicin waayeen geedka Mw Hassan Shiek saaranyahay hase ahaatee Bishan 9aaad 16keedi 2024 silama filaana ayaa daaqad looga soodhacay inkastoo saliga nabaga, salaada iyo aayadkurisiga ka adagyihii khuraafadkast oo caydhin cune la yimaado.
16 Sebtember 2024 waxaa xamar soogaadhay shabeel harag riyaad huwan. Workneh Gebeyehu Negewo oo ah xubin Qoomiyada Oromadu u taqaano udub xooga ahna gacanyaraha kowaad Abiyi Ahmed oo sooxidhay shaadhka Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD ayaa hor fadhiistay Mw Hassan Shiekh. Mw hassan Shiekh qofkanu arkaayey laakiin Abiyi Ahmed baa horfadhiyey.
Workneh Gebeyehu Negewo wuxuu kaloo horfadhiistay, H.E. Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxa Ergada IGAD ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Kaarshe.
Kulanka Mudane Axmed Fiqi wasiirka arrimaha dibada ee Jamhuuriyada Federalka Somaliya iyo caydhiin cunaha waxay IGAd ka tidhi, “Kulan gaar ah oo uu la qaatay H.E. Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, H.E. Dr. Workneh ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis lagu horumarinayo xiriirka IGAD iyo Soomaaliya. Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa ah in la dhiso xarun heer gobol oo heer sare ah oo dhaqaalaha buluugga ah, taasoo calaamad u ah Soomaaliya iyo gobolka labadaba.”
Birlabka kaligii halgaamaaga ah Mw Hassan Sheikh oo aan looga baran baadida iyo isagu waxay kuwada hadlaan inuu Somalida u mulaaxiya, tuhun mooyaane run laga soo yidhi wali lamahayo.
Hadaan yoolbaadh iyo gorgorin ku sameeyno, waxaa inoo muuqanaya, waxaan ognahay, waxaynaan ogeyn iyo khatarta somalidu wadnah farta kaga hayso.
Waxaan ognahay oromigii Abiyi Ahmed kursiga ku hayey inuu xamar yimid oo madxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibada la kulmay. Imaanshanu inuu yimid maalin kadib markii Masar iyo Eritrea ay ku Shireen Eritrea si Sudan iyo Somaliya loo badbaadiyo. Iyo in Workneh Gebeyehu Negewo uu u yimid hawlo qorsheysan oo daha Abiyi ah.
Waxanaan ogeyn runta wada hadalada Somalia iyo Oromga Workneh Gebeyehu Negewo.
Khatarta Somalidu wadnaha farta kaga hayso waa hadii Mw Hassn Sheikh lagu gaaday in wada hadlsiinta Sudan xamar lagu qabto oo Masar iyo Eritrea iyo Somalia shaki la dhexdhigo Mw Hassan Sheikh na uu Abiyi xamar ku qaabilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.