Home Afsomali Kaniisadaha jigjiga oo Noqoday kawaanka dhalinyarada haweenka iyo caruurtay kilinka 5aad

Kaniisadaha jigjiga oo Noqoday kawaanka dhalinyarada haweenka iyo caruurtay kilinka 5aad

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanka Soomaalida Ethiopia kadib markii ciidamada maamulka iyo kuwa dowlada ay bilaabeen inay kala badbaadiyan Soomaalida iyo Oromada.

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah laga helay Degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Meydadkaan ayaa la sheegay in laga dhex helay Kaniisad laga raray dadka Oromada ah waxaana lasoo sheegayaa inay dileen Oromada.

Meydadka qaarkood ayaa waxaa ka muuqda mindiyo iyo jug culus oo loo geystay taasi oo sababtay geerida dadka qaar.

Dadka kunool Magaalada Jigjiga oo qaarkood la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dadkaasi qaarkooda la jarjaray isla markaana aan la aqoonsan karin oogada jirkooda.

Meydadkaan ayaa la sheegay inay soo saaren Ciidamada Liyuu Boolis oo Saaka gudaha u galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen.

Meydadka Soomaalida ee laga soo saaray Kaniisada ayaa waxaa ku jira Haween, Carruur iyo Dhalinyaro u muuqda in lagu qabsaday rabshadaha.

Arrintaani ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.