Home Afsomali Kenya iyo alshabaab oo sheegay in aysan u hogaansami doonin Go.aanka Maxkamada...

Kenya iyo alshabaab oo sheegay in aysan u hogaansami doonin Go.aanka Maxkamada cadaalada ee dunida ICG

Dowladda Kenya ayaa maanta oo jimce ah shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda adduunka (ICJ), ay ka gaarayso kiiska badda ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Macharia Kamau, oo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Kenya aysan u hoggaansami doonin natiijooyinka iyo bayaannada maxkamadda kasoo baxa.

Dowladda Kenya waxay ku dooddaysaa in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku go’aamiso arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

“Kenya laguma qaadi doono dacwad caalami ah oggolaansho la’aan,” ayuu yiri Macharia Kamau, oo sheegay in Kenya mustaqbalka ka fakarayso ka baxitaanka ICJ.

<span;>Go’aanka Kenya ku dhawaaqay, ayaa kusoo aadaya, iyadoo ICJ ay isku diyaarineyso inay shaaciso xukunka kiiska badda.

Muranka Badda ee Soomaaliya

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday muranka xagga badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka Muslimiinta ee ay heysato.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan. Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa laga rabaa Umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.